sheegay inay tahay

Share

 

Muqdisho: War-murtiyeedkii laga soo saaray shirka Madasha wadatashiga ee madaxda Soomaalida

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa goordhaw lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Madasha Wadatashiga hogaanka Soomaalida kaas oo maalmahii lasoo dhafay socday.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Gudoomiyaha Baarlamaanka R/Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Madaxdu waxaa ay isku raaceen Jadwalka Doorashada kaas oo ah:

1) Doorashada Xubnaha Aqalka Sare waxaa ay dhacaysaa 25 September
2) Doorashada Xubnaha Golaha Shacabka waxaa ay dhacaysaa September 24-10 October
3) Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa la dhaarinayaa 20 October.
4) Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa la dooranayaa 25 October.
5) Doorashada Madaxweynaha waxaa ay dhacaysaa 30 October.

Sidookale Madashu waxay dhameystirtey , faafiseyna Gudiga Doorashada heeer Dowlad goboleed .

Madashu waxay soo saartey tirada iyo magacyada gudiga Khilaafaadka waxayna kadhigtey 21 xubnood halka ay markii hore ka ahayd 11 xubnood.

Ugu danbeyn madashu waxay go,aamisey in mudada xilhaynta laamaha Dowladdu ay ku egtahay ilaa natiijada cusub ee doorashada lagu dhawaaqo .

Hoos ka Daawo Sawirro

12345

PuntlandOne.com

 

 
 
 
 
Share
 
WAR LA XIRIIRA
$$RELATED$$
Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com