sheegay inay tahay

Share

 

Garoowe: Madaxweynaha Puntland oo xilalkii ka qaaday madaxdii hay'ada PIS ee sirdoonka Puntland

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto Xafiiskiisa kasoo baxday Xilalkii uga qaaday madaxdii ugu saraysay hay'ada nabad sugiga Puntland ee PIS, waxaana xilalkoodii laga qaaday, taliyihii hay'adaas Sharmake Shiikh Doon iyo ku xigeenkiisa Abshir Aadan, iyadoona la magacaay Taliye Cusub iyo Kuxigeen.

Hay’ada PIA ( Puntland Intelegence agency) ayaa Waxaa Taliyaheeda Madaxwaynaha Dawladda Puntland uu u magacaabay  G/le Dhexe Maxamud Cabdi Maxamad Taliyaha ciidanka hay’ada PIA, ku xigeen G/le Dhexe Siciid Salaad Maxamad.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Puntland ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabay taliyaha ilaadada Xarunta hay’ada PIA ka dagan tahay magaalada Garowe  Gaashaanle Dhexe Cabdiqaadir Jamac Maxamad.

Xilkaqaadista Saraakiishaan ayaa timid kadib wada shaqayn la’aan ka dhexjirtay in mudo ah Agaasimaha Hay’ada PIA iyo Taliyayaasha Ciidanka amaanka

Hoos ka akhriso wareegto

 
 
 
Share
 
WAR LA XIRIIRA
$$RELATED$$
Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com