sheegay inay tahay

Share

 

Carmo: Puntland oo ka hadashay dagaal ay la gashay kooxda taageersan gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Galan

Dawladda Puntland ayaa ka hadashay dagaal sakaa ka dhacay Beeralayda Barookhle oo ka tirsan degmada Carmo, waxaana ay sheegtay in dagaalkaas ay ku dishay 4 ka tirsan Ciidanka falaagada ah ee taabacsan Cabdisamad Gallan oo Puntland ay ku tilmaamtay dambiile Qaran.

Xuseen Xirsi Cali Beer Geel oo ka mid ah Saraakiisha hogaaminaysa hawlgalka Gallan lagu soo afjarayo waxaa uu sheegay in Ciidanka difaaca Puntland oo saaka kujira sahan ay soo weerareen maleeshiyaad taabacsan “Gallan, waxaana meesha uu ka saaray in khasaare kasoo gaaray dhanka dawladda hawlgalkaas.
 
Beer geel ayaa sheegay in wax wada hadal ah uusan jirin isagoona sheegay in lagala quulaystay, waxaana intaas uu raaciyay in ciidanku ay sii wadayaan hawlgalka lagu soo Afjarayo Cabdisamad Gallan iyo Ciidanka taabacsan.
 
Waan waan ay wadaan Odayaal iyo Culimo ayaa socota taas oo aan la ogaan karin halka natiijadeedu ku dambaynayso

 

 
 
 
 
Share
 
WAR LA XIRIIRA
$$RELATED$$
Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com