sheegay inay tahay

Share

 

Gaalkacyo:- Dil naxdileh oo lagu dilay caawa gudoomiyihii ururka haweenka gobolka Mudug

 

Magaalada Gaalkacyo salaadii Maqrib kadib waxaa lagu dilay ILLAAH ha u naxariistee Gudoomiyihii Ururka Haweenka Gobolka Mudug Dhudi Yuusuf, iyadoona dhalinyaro hubaysan ay dilkeeda ka dambeeyeen sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo.

Kooxda dilka gaysatay ayaa baxsaday sida wararku sheegayaan, waxaana dilku ka dhacay hoyga ay Gaalkacyo ka dagan tahay oo ku yaal xaafada Garsoor.

Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada gaalkacyo wali kama hadlin dilka loogaystay Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Mudug.

Tan iyo bishii March ee sanadkaan waa dilkii sadexaad oo Gaalkacyo ka dhaca kaas oo lagu beegsanayo haldoorka Gobolka Mudug.

Dhudi Yuusuf

AUN Dhudi Yuusuf

 
 
 
Share
 
WAR LA XIRIIRA
$$RELATED$$
Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com