sheegay inay tahay

Share

 

Shabeelaha Hoose: Madaxii dhaqaalaha Al-Shabaab oo lagu dilay duqayn diyaaraadeed

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobalka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana la bartilmaameedsadey goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al- Shabaab.

Duqeynta ayaa la xaqiijiyey in ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, iyadoo la dilay sidda ilaa hadda la xaqiijiyey Sarkaal Shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha.

Goobjoogayaal kusugan deegaanka Furuqleey oo ay ka dhacday duqeyntan ayaa sheegay in ay labo diyaaradood garaaceen Saldhig Shabaab leeyahay, isla markaasna ay Shabaab xir-xireen dad shacab ah.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay xog badan ka haysay weerarkan, uuna qeyb ka ahaa yoolal dagaal oo ay ciidamada huwantu maalmihii ugu dambeeyey ku howlanayeen sidii loo burburin lahaa.

 
 
 
 
Share
 
WAR LA XIRIIRA
$$RELATED$$
Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com