sheegay inay tahay

Share

 

Boosaaso: Daawo oo dhagayso Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay safarkiisa Muqdisho

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa ka dhoofay madaarka casriga ah ee magaalada Boosaaso, isagoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in uu u aadayo Muqdisho, siddii uga qeybgali lahaa shir ay Muqdisho ku qaban doonaan Gollaha Amaanka ee Qaramada Midowbay iyo shir gaar ah oo dhexmaraya Hogaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Hogaamiyaasha Soomaalidu ay ka wada hadli doonaan arrimaha Dibu eegista Dastuurka, gaar ahaana shirka bishan dhamaadkeeda ka furmaya magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Madaxweyne Gaas wuxuu tilmaamay in ay shirarkan socon doonaan mudo labo maalmood ah oo arrimahaas oo dhan laga wada hadli doono, ayna waajib tahay in laga wada qeybqaato siddii Soomaaliya dooraso xor ah ay uga dhici lahayd.

 
 
 
Share
 
WAR LA XIRIIRA
$$RELATED$$
Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com