sheegay inay tahay

Share

 

Garoowe: Puntland oo digniin adag ka soosaartay haddii wax laga badalo heshiisyadii horay ay u gaareen Dawlada Federaalka iyo maamul goboleedyadu !

Dawladda Puntland ayaa digniin culus ka soo saartay arrimaha ka socad magaalada Muqdisho, gaar ahaana qorshaha la xariira in wax laga bedelo heshiisyadii madasha wadatashiga, waxa ayna sheegtay in ay dhamaan meesha ka bixi doonaan Tanaasulaadkii ay Puntland horey u sameysay.

Shirka gollaha Xukuumada ee dawladda Puntland ayaa lagu sheegay in ay Puntland u aragto in ay baarlamaanka Faderaalku doonayaan in ay sii joogaan kuraasta, ayna ka soo horjeedaan nabad iyo daganaansho ka dhalata Soomaaliya.

Sidaas oo kale Fariin deg deg ah ayaa loo diray beesha Caalamka & dawladdaha deriska ah oo heshiisyadan wax ka saxiixay, waxaana la sheegay in haddii aan wax laga qaban arrimaha socda Puntland talaabo qaadan doonto

 
 
 
Share
 
WAR LA XIRIIRA
$$RELATED$$
Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com