Amal Express Sweden
waa xaawaalad baaxad weyn una
adeegta shirikadaha, hay`adaha iyo
macaamiisha doonaya in ay helaan
adeeg hufan oo amaano iyo tixgalin
ku dheehan tahay.
Wadanka Sweden waxaa jooga mujtamac
aad u badan oo Soomaali ah, kuwa
kale oo badana hadeer ayey soo
socdaan.
In badan oo ka mid ah waxay
caawiyaan oo lacago u diraan
ehelkooda iyo saaxiibadooda ku nool
Soomaaliya iyo wadamo kale oo badan.
Hadaba xafiisyada Amal express ee
Sweden waxaa kuugu diyaar ah
shaqaale xirfad iyo aqoon u leh
lacag dirista iyo sharciyadeeda.